Yaa Ku Fiican Cabitaanka Biyaha Kulal Mise Biyaha Qabow?

-

Cabitaaka biyaha ayaa halbowle u ah caafimaadka qofka,qiyaastii 70% jirka bani’aadamka ayaa ka gooban biyo,laakiin waxaa jirta su’aal da’ ah, yaa fiican kuleylka mise qabowga?

Xaqiiqonews-Caafimaadka.

Baarayaasha ayaa sheegaya in biyaha diiran ay u fiican yihiin caafimaadka marka laga fiiriyo dhinacyo badan,waxaana ka mid ah in ay fududeeyaan shaqada dheefshiidka iyo yareynta walwalka, dhanka kalase waxaa la sheegaa in biyaha qabow ay hoos u dhigaan heerkulka jirka,waxa ayna jirka ka caawinayaan in hoos loo dhiggo miisaanka.

Qormadani waxaa aan ku soo bandhigi doonaa qaar ka mid ah faa’idooyinka biyaha qabow iyo kuwa kulul, iyo sidoo kale dhibaatooyinka caafimaad ay keeni karaan labaduba.

Faa’idooyinka biyaha diiran: waxaa ka mid ah in ay hoos u dhigaan xanuunka,welwelka, waxa ayna la dagaalamaan burada hunguri mareenka , sidoo kale waxa ay hagaajiyaan wareegga dhiigga, waxa ayna jirka kala dagaalamaan sunta.

Halista Biyaha Diiran: waxa ay ka qeyb qaataan siyaadinta heerkulka jirka,waxa ay ka qeyb qaataan burooyinka ku sameysma unugyada maskaxda,sidoo kale waxa ay saameyn ku yeeshaan hurdada–waxaana lagula talinayaa in aad iskaga fogaato markaa sameyso ciyaar jimicsi ah.

Faa’idooyinka biyaha Qabow: waxaa ka mid ah in ay hoos dhigaan heerkulka jirka, waxa ay yareeyaan halista kaga imaan karta falaaraha qoraxda, waxa ayna kaa caawinayaan dhimita miisaanka, waxa ayna leeyihiin waxtar fiican marka aad jimicsi sameyso ka dib.

Halista Biyaha Qabow: waxa ay adkeynayaan howsha dheefshiidka, sidoo kale waxa ay kor u qaadi karaan halista caabuqyada hunguri mareenka.

Gabgabo: mid kasta(qabow iyo kuleyl) waxa uu leeyahay faa’ido iyo dhibaato labaduba, sidaa darteed waxaa lagula talinayaa in aadan mid gaar ah badsan, waxaana fiican in qofka uu la tashado dhaqtar si uu ogaado nooca biya ee ku haboon jirkiisa iyo caafimaadkiisa.

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday in indhahu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...