Yaa Ku Shiraya Jabuuti.. Maxaana Loo Shirayaa?

La Wadaag Asxaabtaada

Dood badan kama taagno cidda shireysa laakin waxaa wili daah saaranyahay ajandaha rasmiga ee shir noocani oo kale ah.


Xaqiiqonews-Wararka gudaha

Warbaahinta ayaa tabisay in madaxweynaha Soomaaliya iska xaadirin doono shir la sheegay in uu ka dhici doono Jabuuti.

Sida Ay xogtu sheegeyso shirka waxa ka qeyb gali doono Madaxda ugu sareysay dalka Farmaajo, Kheyre iyo Mursal, waxaana shirkani looga hadli doonaa “midnimada Soomaaliya” ,

Somaliland oo iyadu kooxdu uu shirkani quseeya waxa ay dhankooda ka socda rag miisan culus ku leh qadiyadda “gooni isku taaga”, waxaana dadka liiska balansan ku jira, Biixi abdi,Saleebaan maxamuud Aadan, iyo Maxamuud Faratoon.

Midnimo Mise Badax Banaani?

Dood badan kama taagno cidda shireysa laakin waxaa wili daah saaranyahay ajandaha rasmiga ee shir noocani oo kale ah.

Sidoo Kale Aqri..Wax Walba Oo Aad U Baahantahay in Aad Ka Ogaato Dibad baxyada Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu horay u cadeeyey mowqifkiisa ku aadan kala kala goynta Soomaaliya, isaga oo midnimada Soomaaliya ku tilmaamay “khad gaduudan” oo aan laga gudbi karin.

Dhankeeda Somaliland waxa ay horay ugu soo celcelisay in wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland aan looga hadli karin wax aan ka aheyn “gooni isku taag”.

Shirkani wili ajandihiisu ma cada, waxaana nashqadda shirkani leh Aby Ahmed isag oo garabsanaya Mareykanka iyo Jabuuti, calaamad su’aal weyn ayaana dul saaran Shirkani..Muxuu kaga duwan yahay kuwii hore?

Halkani Riix si Aad u Hesho Wararka Muhiimka ah ee Bogga Hore

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada