Yaa Kuu Caafimaad Badan Akhriska Mise Daawashada?

-

Hadii aadan waligaa ka fikirin sida wax akhrisku caafimaad kugu yahay- waxaa la joogaa waqtigii aad ogaan laheyd faa’idooyinka qarsoon ee wax akhriska.


Xaqiiqonews-Horumarinta-Nafta

Barayaasha had iyo jeer is barbardhig ku sameeya “labadan mowduuc”, waxa ay badanaa ku celceliyaan dhibaatooyinka jireed, caafimaad ee daawashada Tv-ga ama baraha muuqaalka ay ku reebaan jirka aadanaha.

Waagii aan yaraa macalinka dugsiga qur’aanka waxa uu nagu qasbi in aan ka fogaano daawashada “shaleemada”, hal sabab oo macalinka uu soo qaadan jiray balse aan u heystay khuraafaad waxa ay aheyd “daawashada filimka fahankaada ayuu luminayaa, qur’aanka ayaana kaa dhumaya”

Joornaalka billaha ah ee Ameerikaanka JAMA Psychiatry ayaa baaris uu sameeyey ku sheegay in qofka badsada daawada muuqaalka ay hoos u dhacdo qeybta maskaxda ee qaabilsan fahanka ee afka qalaad lagu yiraahdo “cognitive function”.

Sidoo Kale Aqri..Todobaad Gudahiisa..Sidee U Badali Kartaa Nolashaada?

Daawashada Tv ama Muuqaal muddo ka badan 2 saacadood oo xariir maalin walbo waxa ay kor u qaadi kartaa jaaniska aad ku qaadi karto nooca labaad ee xanuunka sokorta.

Baaris ay sameysay jaamacadda Harvard qeybteed caafimaadka, waxa ay gabgabadu soo bandhigtay macluumaad sheegaya in qofka badsada daawashada ay ku sababi karto “dhimashada waqtiga hore”.

Waxaan ogahay in aad u baahantahay in aan sameyno isbarbardhig cadaalad ah sidaa darteed waa in an fahanaa maxay ku fiicantahay daawashada?

Waan ka xumahay-miisada ugu fiican ee Daawashada waxa ay baarayaashu ku sheegeen in ay tahay “ku raaxeysashada”, taasi oo maskaxda qofka gelineysa xaalad raaxo gaaban ah, balse faa’idooyinka badan ee wax akhriska marna ma dhaafsiisan karno waxtarka yar ee “daawashada”-iska ilaali taasi waa ganacsi halis ah.

Markale daawashadu waxa ay ku fiicantahay in aan muuqaalka u fahano qaabkii loo rabay in aan u fahano, taasina waa faa’ido uu helay qofka muuqaalka baahiyey ee ma ahan kan daawaday.

Hadii 10 qof ay aqriyaan “hal sheego” oo isku nooc ah” waxaa dhici karta in ay ka qataan 10 fisir oo kal duwan, taasina waa faa’ido maskaxeed oo na siineysa “fikir xor ah” laakin ogow xoriyadda noocaasi ah kuma dhax heli kartid adiga oo ku dhax jira shabaqa “daawashada”.

Saynisyahanada ayaa dhanka kale akhriska ku tilmaamay kaniini waxtar leh oo lagula dagaalmi karo “istareeska”, taasi oo kor u qaadi karta huradada wanaagsan ee qofka.

Riix Halkani..Si Aad U Aragto Wararka Muhiimka ah ee Bogga Hore

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...