Yaa Saxan Shiicada Iyo Suniyiinta Xageese La isku khilaafsanyahay? Xog muhiim ah

-

Muddo Qarniyo ah waxaa taagnaa dood u dhaxeysa shiicada iyo suniyiinta oo labaduba ku abtirsada diinta islaamka, khilaafkaasi oo markii danbe isku badalay dagaalo dhiig badan ku daatay,ilaa ugu danbeyntii dadka ku taqasusay arimaha diinta ay sheegeen in uu yahay wax aan dhici karin in la heshiisiiyo labada kooxood.

Xaqiiqonews.com-

Khilaafka labada koox ayaa salka ku haaya mas,alooyin fiqhi ah iyo doodo faruuc ah sida uu aaminsanyahay sheikh Ahmed Karima oo warbixin uu arimahaasi kaga hadlaayo ku qoray website-ka “Radio Sawa”,sida uu sheikh Ahmed qoray marka lafiiriyo khilaafka ayaa salka ku haaya mas,alooyin ay ka mid yihiin :

Mas,alada Cismada{dadka ilaah danbiyada ka ilaaliyey} Suniyiinta ayaa aaminsan in marka laga hadlaayo cismada nabiyada oo kaliya in ay yihiin macsuumiin{dad ilaah danbiyada ka ilaayey} balse shiicada ayaa dhankooda aaminsan ay jiraan ilaa 12 qof oo ka mid ah ahlu-beytka Nabiga SCW oo iyagana ah dad ilaah danbiyada ka ilaaliyey-sida ay aaminsanyihiin shiicada waxeyna tusaale u soo qaataan Cali ibnu Abi dali,Xasan iyo Xuseen.

dooda “saxaabada”  Meelaha kale ee khilaaka ka taagan yahay waxaa ka mid ah dooda “saxaabada” iyadoo sunyiinta ay aaminsanyihiin in saxaabada oo dhan ay yihiin dad nasahan oo waajib ay tahay in la ixtiraamo hadaladooda, halka shiicadu aaminsanyihiin in saxaabada ay la mid yihiin dadka caadiga ah,waxeyna shiicada gaaleysiiyaan qaar ka mid saxaabada.

-Maslada seddexaad ee la isku mari la,yahay ayaa ah waxa loo yaqaano “altaqiya” oo micnaheedu tahay in qofka uu qarsado waxa uu aaminsanyahay islamrkaana uu muujiyo wax uusan caloosha ka qabin si uu uga badbaado hadii uu ku hoos noolyahay meel aan fikirkiisa laga aaminsaneen.

mas,ladan danbe ayaa suniyiinta waxa ay aaminsanyihiin in ay tahay nifaaq iyo munaaqfaqnimo hadii qofka uu muujisto wax uusan ahayn balse dhankooda shiicadu waa diin ay rumeysanyihiin waliba waxa ay aaminsanyihiin in ajir uu helaayo qofka sidan sameeya.

-Mas,alada afaraad ee dooda ugu badan ay ka taagantahay waa waxa loo yaqaano “guurka raaxeysiga”{زواج المتعة} {guurkani waa guur labada qof ay ku heshiinayaan in ay is guursadaan muddo yar  ka dibna ay kala tagayaan si kale hadii loo dhigo waxa uu noqonayaa “guurka muddeysan”.

Suniyiinta ayaa aaminsan in guurka raaxeysiga uu yahay xaaraam,Nabigana uu reebay, waxaana la sheegaa in guurkani la mamnuucay maalintii “Kheyber” balse dib loo fasaxay maalintii furashada Makka, hadana dib ayaa loo mamnuucay maalintii seddexaad ee furashada Makka kadib.

Imaamu Shaafici AUN waxaa uu leeyahy “لا أعلم في الإسلام شيئا أحل ثم حرم ثم أحل ثم حرم غير المتعة ”

“Ma arkin islaamka dhaxiisa,wax inta la mamnuucay dib loo fasaxay,hadana dib laga mamnuucay aan ka aheyn guurka raaxeysiga”

balse shiicada dhankooda waxa ay aaminsanyihiin guurkani in uu yahay xalaal waxeyna leeyihiin cidda guurkani mamnuucday ma ahan Nabiga SC ee waxaa mamnuucay Cumar Ibnu Khatab RC.

Mas,alada shanaad ee dood ka taagantahay ayaa ah waxa loo yaqaan “istunka ama is garaacida”
shiicada ayaa aaminsan doodan is garaacida iyaga oo is garaaca ilaa jirkooda uu dhiig ka yimaado waa maalinta ay xusayaan dilkii xuseen RC balse suniyiinta arintani aad ayey kaga soo horjeedaan iyaga oo soo daliishada ayaadda ilaah ee fasirkeedu yahay “gacmihiina halaag ha iskugu ridina

Si kastaba ha ahaate khilaafka u dhaxeeya suniyiinta iyo shiicada waxa uu xiliyadan danbe marayaa meeshii ugu xumeyd tusaale dhul gariirkii  ka dhacayIiraan ayaa dad suniyiin ah oo wax ka qoray arimahaasi wax ay ku tilmaameen sababta dhul gariirka in ay aheyd “Danbiyada shiicada oo batay”.

qof kale oo suni ah ayaa isaga oo tacqliiqinaya dhul gariirkii Iiraan ka dhacay waxa uu soo qoray {ilaah ayey qiyaameeyeen ilaahna wuu ka aargoostay} waxaa uuna dhul gariirkii ku tilmaamay aargoosi uu ilaah SW ka aargoostay shiicada.

Dhankoodase shiicada hadalkooda ma yara , waxa ayna baraha taageera shiicada ku qoraan in mar walbo la hagardaameeyey shiicada dhamaan dowladihii islaamka ka soo bilow dolwadii Amuwiyiinta, dolwadii xigtay ee cabaasiyiinta ilaa Dowladii Cuthmaaniyiinta.

Miiska Wada hadalka.

Si loo dhameeya khilaafka labada kooxood waxaa jiray shir la qabtay sanadkii 2008-dii oo ka dhacay Sacuudiga,waxaana shirkaasi uu ku soo dhamaaday fishil ka dib markii culimadii sacuudiga ugu caansaneyd ay ka soo horjeesteen fadhigaasi iyagoo sheegay in shiicada aan lala fadhiisan karin, wixii xiligaasi kadanbeeyey ma dhicin wax isku soo dhawaansho ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...