Yaab:Kooxo Somali Masiixi ah”dr Maryan Iyo dad badan ayaa nooga dhintay Qaraxii Zoope”

La Wadaag Asxaabtaada

Kooxo Soomali charistian ah ayaa ku daabacay dhawaan Bolog ay leeyihiin warbixin ka yaabisay dad badan oo aqristay iyadoo warkaasina uu mar kale muran weyn ka dhaliyey baraha bulshada.

koox aaminsan diinta masiixiyita ayaa ku soo qoray bog ay ku faafiyaan arigtodooda in qaraxii Zoope ay ku dhinteen dad badan oo aaminsanaa madhabta Masiixiyiinta waxaana dadka ay sheegeen ka mid ahaa Dr maryan abdulaahi oo 22 jir aheyd iyo sidoo kale fardowsa haji hilowle jama oo 39-sano jir aheyd iyo labo caruur ah oo ay dhashay.

Dr maryan cabdulaahi waa gabar dhimatay xilli ay isku diyaarineysay xafladeeda qalin jebinta iyadoo ka qalin jebisay jaamacadda bendir waxaa Dr maryan oo ka mid ah 358 oo la xaqiijiyey in qaraxa ku dhinteen ayaa waxaa si aad ah u buun buuniyey Warbaahinta galbeedka taasi oo xitaa ay soo xigteen qolyaha masiixiyiinta.

masiixiyiinta ayaa sheegay in maryan ay aheyd qof muhiim ah iyagoo soo xigtay warbixin lagu daabacay NewYork times oo maryan cabdulaahi ku tilmaamtay Xidig soo baxaayey”Risin Star” sidoo kale kooxdo ayaa hadalkooda ku xoojiyey in Dr maryan ay qaraabo la tahay nin Somali charistan oo la dilay waagii Midowgii maxkamadaha islaamiga oo lagu magaacabi jiray Ali Mustaf Maka’il iyagoo sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in Dr maryan ay joogi jirtay kaniisad guriyeed(house-corch) maxali ah oo ku taala bartamaha caasimadda sida ay hadalka u dhigeen waxayna intaasi ku dareen in maryan ay ka qeyb qaadatay qeybtinta cunooyin gargaae ah oo ay qeybiyeen hey,ado gargaar oo hoos taga soomali masiixi mudadii labada sano ah ee ugu danbeyeysay.

kooxda masiixiyiinta ayaa hadalkooda ku soo gagabeeyey tacsi ay u direen dadkii ku dhintay qaraxii zoope iyagoo sheegay in xitaa ay jiraan dad masiixiyiin ah oo ilaa hadda nolol iyo geeri aan lagu heeynin kana ag dhawaa goobta qaraxa ka dhacay waxaana tiradooda ay ku sheegeen ilaa 8 qof.

Ugu danbeyntii Masixiyiinta ayaa xusay in qaraxii Zoope ay ugu dhaawacmeen ilaa 12 qof oo ay ku jiraan 4 caruur ah sida ay hadalka u dhigeen mana jiro cid madax badanaan oo xaqiijisay sheekashooyingan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada