Yara-Fayrus Oo Ka Daranba Karoona..Ogow Meelaha Laga Helay

Fayruska Yara oo dhawaan laga helay waddanka Barazil ayaa noqday hal-xiraale cusub oo saynisyahanada hortaagan, culimada sayniska ayaana fayruskani helay intii ay baarayeen Karoona Fayrus.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Websaaytka “Science Alert” ayaa qoray in fayruskani cusub uu yahay mid aan la aqoon oo guud ahaanba dunida ku cusub.

Fayruskani cusub ayaa qaatay magaca “yara-virus” kalimadaasi oo macnaheedu yahay “Hooyada biyaha oo dhan”.

Fayruskani cusub ee “Yara” oo sidoo kale loo yaqaan “Lara” ayaa xoojinaya sheeko baraleydii reer Brazil, ee dhaheysay in uu jiro wax ku dhax jira biyaha kaasi oo jiidanaya badmaxaaysha si halkaasi o waligood ugu jiraan.

Ilaa hadda si dhab ah looma huba raadadka caafimaad ee uu reebi karo Fayruskani, saynisyahanada ayaana bixinaya dadaal dheeri si loo helo faafaahino dheeri ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA