Yey Shaqadiisu Tahay In Uu Axmed Madoobe Soo Xiro?

Qaar ka mid ah goloha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday DF-ka in ay fursadan ka faa’ideysato, sharcigana la hor keeno Axmed Madoobe.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ah xubnaha qeybta ka ah mooshinka lagu dalbanaayo “soo qabashada Axmed Madoobe”, ayaa beesha caalamka ku canaantay siyaasadda laba wajiilinimada ku dhisan ee ay Soomaaliya kula dhaqmeyso.

Jeesow ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay boorka “dimuqoraadiya” ee ay sheegsheegaan wadamada galbeedka, isaga oo ku eedeeyey in taageereen nin dambiile oo ula jeeday Axmed Madoobe.

“Ilmaha aad wax soo barteen ee wadankeena ku soo noqday dimuqaraadiya ayey aaminsanyihiin laakiin waa been” ayuu yiri Jeesow.

Sidoo Kale Aqri..Daawo..Jeesow Oo Meel Dhaw Wax Ka Tusay Janan

Daahir Amin Jeesow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxa aad na barteen wixii aad na badeen ayaa nooga daran”, waxa uuna ku eedeeyey in ay baal mareen dimuqraadiya ay ku doodi jireen.

Yey Shaqadiisu Tahay xoo xirista Axmed Madoobe?

Sida uu ku doodaayo Xildhibaan Jeesow, Farmaajo ayaa laga doonayaa in uu bixiyo amarka lagu soo qaban lahaa Axmed Madoobe, hase ahaatee cadaadis madaxweynaa uga imaanaya safiirka Mareykanka, soo qabasha Axmed Madoobe waxa y u muuqataa “mid aan dhaqan gali karin”.

DF-ka Soomaaliya ayaa ku raaxeysaneysa “go’aan qaadasho qabyo ah” madaamaa kala bar go’aanada dowladuu ay yihiin kuwa lagu lug leeyahay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA