Youtube-ka Oo Arintan Muhiimka ah Soo Kordhiyey

-

Shirkadda google ayaa shaaca ka qaaday in ay soo kordhisay badhankan cuusb, kaasi oo yuutuubarada ku saacidi doono in ay si fiican ula falgalaan faalooyin laga dhiibto muuqaaladooda.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Badhan cusub ayaa lagu magacaaba “smart reply”, oo af soomaali ahaan noqonaya “jawaabta caqliga leh”, barnaamijkani ayaa dadka Yuutuubarada ah ka saacidi doonto in ay ka jawaabaan falooyin ay soo qoraan daawadayaasha.

Barnaamijka ayaa siinaya Yuutabarada erayo diyaarsan kuwaasi oo ay u adeegsan karaan in ay ugu jawaab celiyaan faalooyinka aqristayaasha.

Shirkadda google oo barnaamijkani hadal gaaban ka bixisay ayaa tiri “Waan ku faraxsanahay in aan idinla wadaagno badhanka cusub ee Smart reply, kaasi oo loo saameeyey adeegsadayaasha isticmaala Youtube studio”.

Sidoo Kale Aqri..Wajiga Qarsoon ee Youtubleyda..Sirahan Ogow

Badhankan cusub ayaa hadda lagu heli karaa oo kaliya luuqadaha english-ka iyo Isbaanishka, iyagoo sheegay in uu socdo qorsho lagu diyaarinaayo luuqada kale oo badan.

Shirkadda Google ayaa mudooyinkii dambe oo dhan waday qorshooyin badan oo Yuutuubka loogu soo jiidaayo daawadayaal, waxa ay shirkada gacanta kula jirtaa badhan cusub kaasi oo u ogolanaayo Yuutuubarada in ay iska soo duubaan muuqaalo gaaban oo u eg qaabka “tik tok”,.

Sidoo kale shirkadda ayaa diyaarineysay barnaamij kale oo daawdayaasha xasuusinaaya in la gaaray waqtigii hurdada, si looga hortago waqtiga badan ee daawadayaasha ku bixiyaan muuqaalada.

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...