XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu weyneyd ee Jarmalka gaas geyn jirtay arintaasi oo Yurub oo dhan gelisay xaalad cabsi oo xagga tamarta ah.
DHAMMAADKIISA: Yurub waxa ay hadda wajaheysaa gabaabsi xagga tamarta, iyada oo la ogyahay in waxa ugu weyn ee dhaqaalaha Yurub uu ku socdo ay tahay Tamarta
Sir Putin, waxa uu jaray tubadii Nord Streatm 1 oo ah tubada ugu weyn ee gaas geyn jirtay Jarmalka, arintaasi oo Yurub ku reebtay dhabbana heysi.
Ruushka waxa uu ku doodayaa in tubada loo jaray “hagaajin” dibna loo soo furi doono 21 luulyo, hase ahaatee Yurubiyaanka waxa ay dhawaaqayaan af-labadii iyaga oo aaminsan in Putin uusan dib u soo celin doonin tubada la jaray.
Hadii ay dhacdo waxa ay ka cabsanayaan Yurubiyaanka ah oo ah in gaaska la jarto, taasi waxa ay Yurub ka dhigi doontaa Winterka(xilliga qaboobaha) soo socda meel mugdi ah oo qabow badan dadkuna waxa ay shaawar ku qaadan doonaan biyo dhagay.
Guud ahaan tamarta Yurub 40 % waxa ay ku tiirsantahay Ruushka, hadii Ruushka jartana waxa ay qaaraddani cajuusada ah gelin doontaa qalalaaso xagga tamarta ah.
Mareykanka iyo Jarmalka ayaa ku eedeeyey Putin in uu tamarta u isticmaalay hub ahaan, laakiin arintaasi waxa ay banaanka soo dhigeysaa “laba wajiilinimada” galbeedka kuwaasi oo bankiyada,nidaamka lacag isku xawilista iyo wax walboo dhaqaaq ah oo kala dhaxeeyey Ruubshka u adeegsaday hub ahaan.
Dhacdo kale oo arintaasi xiriir la leh: Yurub waxaa ku dhuftay kuleel aad u daran waxaan galbeedka Yurub gubanaya keymaha.
Isbeyn, Burtaqiiska, Faransiiska iyo Uk ayaa ka mid ah meelaha kuleelka uu ku dhuftay, Magaalooyinka yurub qaarkood kuleelka ayaa markii ugu horeysay in muddo ah gaaray 45 digrii selsiyus.
Sidoo kale waxaa Yurub ka jira abaar aad xun iyada oo seddexdii sano ee la soo dhaafay uusan roob ku filan ka da’in galbeedka Yurub, arintaasi oo laga cabsi qabo in gabaabsi xagga biyaha ah ay ku keenta qaaradda.
In ka badan 100 magaalo oo Yurub dhaco, waxaa la filayaa in tubootinka biyaha ay joogsa doonaan bilaha soo socda waxaana meelaha ugu daran ee abaarta ay ku dhufatay ka mid ah Taliyaaniga iyo Isbeyn.