Yuusuf Indhacadde Oo Talo Cajiib ah U soo jeediyey Dowladda farmaajo#aqriso

-

Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa wuxuu ka hadlay dhibaatada ay isku qabaan dadka shacabka ah iyo madaxda dowladda Federalka Somaliya ee illaalada faraha badan wadato.
Indha Cadde, ayaa sheegay si loo badbaadiyo dhibaato suuragal ay tahay inay soo gaarto dadka rayidka ah inay haboon tahay in madaxda dowladda Federalka Somaliya loo sameeyo wado gaar ah oo ay ka maraan Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay illaalada gaadiidka kor ka saaran mar waliba inay ku jiraan feejignaan ku aadan naftooda iyo mida ay ilaalinayaan, wuxuuna sheegay in aanan la garan karin cida la iska ilaalinaayo, taasina ay tahay dhibaatada ugu weyn ee jirta.
Yuusuf Indha Cadde oo Wareysi siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho, ayaa talo ahaan u soo jeediyay si shacabka iyo madaxda dowladda ay u kala badbaadaan in la sameeyo wado gaar ah oo madaxda ay maraan.
“Runtii way adag tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ilaaladda Madaxda Dowladda Somaliya ay u geystaan shacabka isticmaalaya wadooyinka,balse hadii la sameeyo wado u gaar ah ilaaladdda iyo madaxda Dowladda Somaliya xal ayaa la helayaa.”, ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.
General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa sheegay in illaaladiisa uu ku amray inaysan ridi karin xabad, sidoo kalena qal qal aysan ku abuuri karin dadka shacabka ah, balse mar kasta laga doonaayo inay feejignaadaan.
Dhacdadii lagu dilay Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Somaliya Cabaas Siraaji ayaa noqotay mid aad loo hadal haayo, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladda hadda ay dareemeen culeyska ah in qori lagu taago gaari rayid ay saaran yihiin ama wadada iska maraayo.

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...