Booliska Somaliland ee waardiyaha ka ah jaamacadda Camuud ayaa toogtay Ibraahin Salaad oo ka mid ahaa ardayda Jaamacadda.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Ibraahin Salaad ayaa ka mid ahaa ardayda sanadkii labaad ee jaamacadda gaar ahaan kuliyadda injineeriyadda.
Goor dambe oo galabnimadii isniinta ayey booliska Somaliland ee jaamacadda waardiyaha ka ah toogteen Ibrahin iyada oo qoraal jaamacadda ka soo baxay lagu sheegay in dilka uu ka dhashay “khilaaf”.
Ibrahin Salaad ayaa la sheegay in uu ka mid yahay ardayda rer Puntlan ee wax ka barta halkaasi, waxaan baraha bulshada lagu baahiyey sawiradiisa isaga oo xusaya maalintii xoriyadda.
Maamulka jaamacadda Camuud ayaa qoraalkooda ku xusay in ay been tahay warka sheegaya in wiilka loo dilay calanka oo uu ku labisnaa darteed.
Booliska Somaliland ayaa beryihii ugu dambeeyey qaati ka taagnaa dhalinyarro iyo arday gudaha Somaliland ku sugan kuwaasi oo ku soo labista calanka buluugga ah.