Dhuusamareeb xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay martigeliso shir ay isku imaanayaan madaxda maamul goboleedyada.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Kulanka oo ay martigelineyso Galmudug, ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan maamul goboleedyada kala ah Jubbland, Hirshabeelle, puntland iyo Koonfur galbeed.
Ciidanka Haramacad ee sida tooska ah kaga amar qaata DF-ka ayaa ku sugan Dhuusamareeb waana arinta walwalka gaarka ah ku abuurtay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo iyagu dalbaday in ciidanka laga qaado gudaha magaalada.
Sidoo Kale Aqri..Waa Tan Sababta Aadan Ogoeyn ee Axmed Madoobe Kismaayo Kaga Guuray
Ilaa hadda waxaa Dhuusamareeb gaaray Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle, sidoo kale waxaa la filayaa in halkaasi ay biri gaaraan, Lafta gareen,Madoobe iyo Deni.
Haramacad iyo Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe waxa uu heystaa sharciyad 2 sano oo ku meel gaar ah, sidaa darteed hadii Haramacad ay isku dayaan in xiraan waxa ay ila tahay arinkaasi in uu garab mari doono”shuruucda dalka”
Inkastoo isaga uu dareensanyahay walwal gaar ah, haddana iyada oo la fiirinaayo :xasaanadda diblomaasiyadeed”, waxa aan qiyaasayaa Axmed Madoobe lama soo xiri doono, taasi oo runtii u muuqan karta cadaalad darro, laakiin waa in aan ilaalinaa sharciyadda.