Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

-

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su’aasha ugu muhiimsan waxa ay tahay: Xasan iyo Xamse maxaan ka filan karnaa maxaase macquul aheyn?


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

DHAMMAADKIISA: Ma ahan waqtigii ay aheyd in aan is weydiino: muxuu qabtay Xasan Shiikh maxaa yeelay boqolkiisa maalin ee ugu horeeyey xitaa uma buuxsamin inkastoo durba uu ku dhaqaaqay tallaabooyin keenay in dadka qaarkood dhaliil uga dhigaan.

Waxaa jirta meelo ay ku saxan yihiin dadka dhaliila Xasan Shiikh oo aan ku cusbeen maamulka madaxtooyada balse looga fadhiyo in uu la yimaado wax ka duwan hab dhaqankiisii hore.

Malahan Qab

Xasan intii looga bartay waa nin aad u jilcan waliba marka uu hor fadhiyo miiska madaxda caalamka waa dadka mar walba madaxa kor iyo hoos u ruxa ee qofka hadalkiisa ku raaca iyada oo qofkiiba wili hadalka dhammeysan.

Xasan oo kale waa dadka afka qalaad lagu yiraahdo “Yes man”, taasina ma ahan ka badbadis waa intii aan ka baranay maamulkiisa hore, haddana ifafaalaheeda uu markale ka soo muuqday kulamadii iyo go’aanadii uu qaatay.

Dadka yaqaana Xasan Shiikh marnaba ma sugayaan in arimahan noocan ah uu isbadal ku imaan doono Sidaa darteed khubarrada waxa ay sadaalinayaan in Xasan Shiikh uu aqbali doono waxyaabo badan oo dunida dooneyso balse Soomaaliya dul saar ku ah.

Fursado Dahabi Ah

Marka laga soo tago wixii hore, Xasan iyo Xamse waxaa horyaalla fursado dahabi ah oo ay dadku isku bari karaan waa hadii ay la yimaadaan waxqabad nooc cusub ah.

Waxyaabaha dadku aadka u sugayaan ee in ay wax ka qabtaan looga fadhiyo ayna ka faa’ideysan karaan hadii ay si sax u dhaqan geliyaan waxaa ka mid ah:

  • Cadaalad u helidda kiisaska murugsan sida kiiska Ikraan Tahliil
  • dhammeystirka dastuurka
  • In ciidanka ATMIS dalka laga saaro
  • Xalinta maqaamka Muqdisho
  • Arinta Somaliland iyo Khaatumo
  • Xal macquul ah oo wax looga qabanaayo abaaraha soo noqnoqday ee Dalka guri ka dhigtay
  • Dedejinta iyo dardargelinta shidaalka
  • Deynta cafinta iyo maalgashigga caalamiga ah
  • Doorasho qof iyo cod oo dalka la gaarsiiyo

Iyo waxyaalo kale oo badan, waqtiga ayaana noo sheegi doono halka wax mariyaan

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...